Ciidamada Kenya oo lagu weeraray Mandheera + qarax ka dhacay gudaha Baydhabo.

Tuesday September 29, 2026 - 18:29:05
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Baay.
Gobolka Baay, waxaa ka dhacay hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo.

Qaraxan oo ahaa mid aad u culus ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte uu kusoo daabulay magaalada.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la weeraray iyo dhaawaca 2 askari oo kale.

Gobolka Mandheera, waxaa isna ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Hareeri Zuki ee degmada Ceel-qaalow.

Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences